Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho

0
333

Waxaa saakay degan xaalada Magaalada Muqdisho oo xalay saacado kooban gashay xaalad Arbushaad ah oo geysatay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Rag hubeysan oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab ayaa xalay weerar waxa ay ku soo qaadeen wadada u dhaxeysa isgoyska Sayidka iyo Hotelka SYL, gaar ahaan Taalada Dhagaxtuur.

Intuu weerarkaasi socday ayaa waxa dhacday labada qarax, midka koowaad ayaa ka dhacay Taalada Dhagaxtuur, halka kan kalena uu dhacay isgoyska Jubba, gaar ahaan Hotelka Dorbin.

Qaraxyada dhacay waxaa ku geeryootay in ka badan 18 qof, halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 20 qof, oo isugu jira Askar iyo shacab, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Intii dagaalka uu socday, ayaa waxaa aagga Madaxtooyada dadkii ku dhintay ka mid ahaa Laba Alifle Xoogga dalka Bashiir oo ka mid ahaa ciidamada Illaalada Madaxtooyadda, kaasi oo ay dileen ragga hubaysan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis (Xildhibaan) oo la hadlay warbaahinta  ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay toogteen Shan oo uu sheegay in ay ahaayeen raggii weerarka soo qaaday, weerarkana isla xalay la soo afjaray.

Waxaan weydiinay khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkii xalay, balse nooma uusan sheegin, wuxuuna inoo sheegay in maanta ay sheegi doonaan khasaaraha dhabta ah.

Wadooyinka qaar ee Muqdisho ayaa xalay ilaa saakay xiran gaar ahaan goobta uu weerarka ka dhacay, iyada oo wadooyinka lagu soo daadiyay Ciidamo dheeraad ah, kuwaasi oo ammaanka sugaya.

Xalay Muqdisho hooyaad kama jirin, wadada Maka Al-mukarama waxaa isticmaalayay oo keliya Gawaarida ay wataan Masuuliyiinta Dowladda iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kale waxaa jiray dad shacab ah oo booqanayay dadkii ay dhibaatada ka soo gaartay qaraxyadii dhacay.

Dadka shacabka ah qaarkood ayaanay xalay u suuragelin in guryahooda u soo hoydaan, maadaama ay joogeen goobaha loo dalxiistago, wadooyinkana ay ku xirmeen oo ay waayeen meelo ay soo maraan.