Wargeysyada Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Axad Ah

0
302

Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda ayaa xiran, iyadoo ciyaartooy waaweyn lala xiriirinayo inay isaga tagayaan kooxahooda.

Halkaan waxaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu waaweyn oo ay wargeysyada ka qoreen xaalada suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo axad ah.

Weeraryahanka Paris St-Germain iyo Brazil Neymar oo 26 sanno jir ah, ayaa u sheegay Real Madrid inuu doonayo lacag ka badan tan uu qaato 33 jirka weerarka uga ciyaara kooxda ee Cristiano Ronaldo si uu ugu saxiixo heshiis kooxda ku ciyaarta Bernabeu. (Sunday Express)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer France Paul Pogba ayaa diyaar u ah inuu ka tago Manchester United haddii tababaraha kooxda Jose Mourinho uu joogo Old Trafford xili ciyaareed kale. (Sun on Sunday)

Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee doonaya 22 jirka qadka dhexe ka ciyaara ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic, oo lagu qiimeeyo 80 milyan oo ginni. (Sunday Mirror)

Tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal ayaa qarka u saaran inuu bedelo Antonio Conte. 66 jirkaan reer Holland ayaa isha ku haya fursado kale oo uu kaga shaqeeyo Premier League. (Sunday Mirror)

Goolhayaha Manchester United iyo xulka Spain David de Gea ayaa doonaya qandaraas cusub oo ku kacaya £ 350,000 todobaadkii si inuu u saxiixo kooxda ku ciyaarta Old Trafford. (Sun on Sunday)

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Watford Abdoulaye Doucoure, oo 25 jir ah, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo xiisaha Arsenal iyo Liverpool ka hor suuqa kala iibsiga. (L’Equipe, via Metro)

Daafaca reer France iyo Manchester City Aymeric Laporte oo 23 jir ah ayaa sheegay inuu ku saxnaa  inuu iska diido 18 bilood ka hor ku biirista City. (Sunday Telegraph)

Chelsea iyo Crystal Palace ayaa ka hadlaya xaalada Ruben Loftus-Cheek. 22 jirkaan heerka caalami ee xulka England, oo haatan amaah ku jooga Palace ayaan la hubin mustaqbalkiisa Blues (Daily Star)

Goolhayaha Arsenal David Ospina, oo 29 sanno jir ah, ayaa sheegay inuu xagaagan ka tagi karo Gunners. (Daily Star)

Tababaraha Newcastle Rafael Benitez ayaan wax walwal ah ka qabin xaalada weeraryahanka Islam Slimani, kaasoo qarka u saaran inuu maqnaado ilaa dhamaadka bisha soo aadan, (Chronicle)