Tuesday, February 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

Wasaaradda iyo Guddiyada Dastuurka oo Garoowe ka bilawday wadatashi Dadweyne.

Published on February 12, 2018 by   ·   No Comments

Wasiirka Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo Guddiyada Dastuurka Madaxa Banaan iyo Labada Gole ayaa Wadatashi Dadweyne ka bilaabay Magaalada Garoowe oo ay shalay gaareen.

Dhinacyada ay la kulmayaan guddiyada ayey kala hadlayaan sida lagu qabyo tiri karo dastuurka KMG ah ee dalka, Nuuca Doorasho ee la qaadan karo iyo sida lagu gaari karo Doorashada Qof iyo Codkii ah ee la filayo sanadka 2021-ka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Guddiga Dastuurka ay joogteen doonaan kulamada la xiriira Howlaha Dastuurka oo sal u ah Doorashada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas oo maanta la filayo in uu gaaro Magaalada Garoowe ayaa qeyb ka noqonaya wada tashiyada Mas’uuliyiinta iyo Siyaasiyiinta Puntland looga qeyb galinayo qabyo tirka Dastuurka.

Guddiga ayaa uruurinaya aragtiyada dadweynaha ay la kulmayaan, Xogta kaga soo baxda kulamadooda ayey kulmin doonaan sida Ay sheegeen xubno katirsan Guddiga.

Guddiga ayaa Gobolada dalka ka wada howlo ay ku sheegeen in ay wadatashiyo dadweyne ku sameynayaan, Madaxda Dowladda iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa ku heshiiyey in 2018-ka lagu soo gaba-gabeeyo qabyo tirka Dastuurka Soomaaliya oo Muddo soo jiitamaye.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Toogasho haween lagu laayey oo ka dhacday kaniisad ku taalla gobolka Dagestan

February, 19, 2018
Ugu yaraan Shan haween ah ayaa lagu diley weerar ka dhacey kaniisad ku taalla gobolka Dagestan ee dalka ...

Dowlada Sudan oo xabsiga ka sii deysay dad loo xirey arrimo siyaasadeed

February, 19, 2018
Xukuumada Sudan ayaa xabsiga ka sii deysay inkabadan 80 ruux oo ahaa maxaabiis dhinaca siyaasada loo xirey kadib ...