Wasiirka arrimaha dibada wadanka Itoobiya oo ka hadlay xukunka deg deg ah ee lagu soo rogay dalka

0
257

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya Dr, Workneh Gebeyehu ayaa difaacay xukunka degdega ee lagu soo rogay dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in aanay jirin walwal dhanka ammaanka ah oo ka jira dalka, iyadoo dowladda ay todobaadkii hore soo rogtay xukun degdeg oo socon doona muddo lix bilood ah.

Waxaa uu sheegay in sababaha loo soo rogay xukunka degdega ay tahay in lagu soo celiyo xasiloonida, iyadoo ay jireen banaan baxyo iyo rabshado qatar geliyay ammaanka iyo xasiloonida dalka.

Xukunka degdega ee la soo rogay ayaa waxay hakad geliyeen dhaq dhaqaaqii ganacsiga, iskuulada waqooyiga Itoobiya, halkaasoo la hor-istaagay dibad baxyo ay sameyn rabeen dadweyne ka soo horjeeday xaalada degdega ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa walaac ka muujisay xaalada degdega ee lagu soo rogay dalka Itoobiya, taasoo xanibeyso xoriyadda hadalka.

180 xubnood oo ka tirsan Xisbiga talada haya EPRDF ayaa ugu danbeyntii shir yeelan doona, si ay u doortaan hoggaamiyaha Xisbiga oo si toos u noqon doona Ra’iisul Wasaaraha dalka.

Qalalaasaha iyo rabashadaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaas ayaa qasab ka dhigtay in uu xilka iska casilo todobaad ka hor ra’iisal wasaarihii mudada ka badan shanta sano soo maamulayay wadanka.