Watford oo xasuuqday 10-xidig oo Chelsea ah daqiiqadahii ugu dambeeyay kulankii ka dhacay Vicarage Stadium

0
14

Chelsea ayaa la kulantay guuldaro iyo xasuuq lama filaan ah kadib markii ay marti u noqotay Watford kulan ka tirsan horyaalka Premier League, kooxda martida loo yahay daqiiqadahii ugu dambeeyay kulanka ayey ku heshay goolal lama filaan ah.

Qeybta hore kulanka waxaa lagu kala maray barbaro 1-0 oo ay ku hogamineyso Watford iyadoo Tiemoue Bakayoko uu qaatay casaan markii uu godoomay jaalihiisii labaad.

Troy Deeney ayaa dhameystiray rigoore loo dhigay daqiqadii 42-aad, balse Eden Hazard ayaa si cajiib leh kaga jawaabay daqiiqadii 84-aad ee kulanka isagoo barbaro u keenay kooxdiisa oo 10-xidig ku ciyaareysa.

Musiibada Blues ku habsatay waxey bilaabatay daqiiqadii 84-aad markii Daryl Janmaat uu dhameystiray kubad uu caawinteeda lahaa Roberto Pereyra.

Gerard Deulofeu ayaa sidoo kale daqiiqadii 88-aad dhameystiray kubad kale oo ka timid Abdoulaye Doucoure, waqtigii dhimashada kulanka waxaa ciyaarta soo xiray Roberto Pereyra.

Natiijada waxey kusoo dhamaatay Watford oo 4-1 ku xasuuqday Chelsea, iyadoo Conte shaqadiisa ay baxar ku jirto maadaama warbaahinta Ingiriiska ay shaaca ka qaadeen in Roman uu ceyrin doono hadii uu natiijo xun la kulmo kulankaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here