Saturday, May 26th, 2018
Advertisements
Advertisements

Xarakada al Shabaab oo weeraray Degaanka Ambareeso ee Gobolka Shabellaha Hoose

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerar abaabulan oo xoogaga Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Saldhiga Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Weerarkan oo ahaa mid waqti kooban socday ayaa Shabaabka waxa ay ku qaadeen friisin Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin degaanka Ambareeso oo ka mid ah degaanada dhaca duleedka degmada Baraawe, halkaasi waxaa labada dhinac ku dhexmaray Dagaal culus.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda hiraneyn u sheegay Dagaalkan inuu dhacay xalay saq dhexe, waxayna tilmaameen aroortii hore ee saakay goobaha lagu dagaalamay in ay ku arkeen Meydadka dhowr qof oo ay sheegeen in aysan garaneyn halka ay ka kala tirsan yihiin.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM oo garab ka helaya Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka, inkastoo aysan jirin ilo madax banaan oo warkaasi xaqiijinaya.

Dadka reer Baraawe, ayaa waxay sheegeen in Ambareeso ay muhiim u tahay goobaha laga difaaco Degmada Baraawe, waxayna tilmaameen muhiim in ay tahay in la helo Ciidamo adag oo Difaaca degmada.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Sida loogu so dhaweyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...

Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Warbixiyey Safarkiisa Adis Ababa

May, 26, 2018
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goordhow waxa uu gaaray Magalada Adisa ...