Xiddig Barcelona ah oo ka warhelay inay Real Madrid lasoo wareegi doonto goolhaye cusub xagaaga soo aadan

0
289

Goolhaye David De Gea ayaa lala xiriirinaaya ku biirista kooxda Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Goolhayaha Manchester United ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jiray kulamadii ugu dambeeyey, wararka xanta ah ayaana sheegaya inay Real Madrid isha ku heyso inay kusoo celiso caasimadda Isbaanishka xagaaga soo aadan.

Madrid have struggled for the majority of this season and it is no secret Zinedine Zidane wants a new goalkeeper in between the sticks next season to avoid a repeat of this campaign.

Tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane ayaa caddeeyey inuu doonayo goolhaye cusub ka hor xilli ciyaareedka soo aadan, shabakadda Don Balon ee dalka Spain ayaana sheegeysa inuu goolhaye De Gea iska dhaadhiciyey ku biirista Los Blancos xagaaga soo aadan.

Xitaa warbixintaan ayaa sheegeysa inuu De Gea ku wargeliyey daafaca kooxda Barcelona Gerard Pique inuu ku biiri doono Real Madrid xagaaga soo aadan.

De Gea iyo Gerard Pique ayaa ah laba saaxiib oo ixtiraam isku haya, wuxuuna goolhayaha Man United bedel u noqon doonaa Keylor Navas oo u muuqda mid ka tegaya Santiago Bernabeu dhammaadka xilli ciyaareedkaan.