Thursday, February 22nd, 2018
Advertisements
Advertisements

Xuska Maalinta Ciidanka Cirka Soomaaliyed oo maanta lagu qabanayo Muqdisho

Published on February 15, 2018 by   ·   No Comments

Munaasabad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 58-aad ee ka soo wareeggtay markii la aas aasay Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa in lagu qabto Gobolada dalka iyo Magaalada Muqdisho.

 

 

Munaasabadda lagu qabanayo magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Ciidanka Cirka oo ku taalla xerada Afasiyooni ayaa waxaa la filayaa in ay ka qeyb galaan Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu ugu horeeyo Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Maxamed Sheekh Mursal, Taliyeyaasha Ciidamada, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

 

 

Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa durba bilaabay in ay Hambalyo horudhac ah u diraan Sarreeyeyaasha, Saraakiisha, Saraakiil Xiggeenada, Alifleyda iyo Dableyda Ciidanka Cirka oo qeyb ka ah Taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ciidanka Cirka Soomaaliyeed waxa uu lahaa Awood ciidan oo dhameystiran, waxayna ahaayeen Cudud Bulshadda Soomaaliyeed ay ku faanto, waxaan rajeynayaa Maqaamkii iyo Maamuuskii ay lahayeen Ciidankaasi inay soo laaban doonto.

 

 

Ciidanka Cirka Soomaaliya ayaa la aas aasay 15-kii February sanadkii 1960-kii, iyagoo door firfircoon ka soo qaatay Difaacidda hawada dalka mudadii burburka ka hor, waxaana haatan muuqata dedaallo dib loogu dhisayo ciidamada oo awood buuxda u heli doona inay hantaan koontaroolka hawada Soomaaliya oo dhan.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Ra iisulwasare Ku xigeenka Turkiga oo Muqdisho soo gaaray

February, 22, 2018
caasimadda dalka Turkiga soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga Hakan Jaush Ogolo. Wafdiga Ra’iisul ...

Dhimasho iyo dhawac ka Dhashay Shil ka dhacay Wadada xiriirisa Garowe iyo Laascaanood

February, 22, 2018
Inta la xaqiijiyay laba ruux ayaa ku dhintay shil gaari oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa magaalooyinka ...