AKHRISO: Gudoomiyaha Barlamaanka Soomliya Oo Mooshin Laga gudbiyay

0
7

Qaar ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), kadib markii saakay ay warbaahinta kula hadleen magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada oo soo saaray warqad qoraal ah oo ay warbaahinta u aqriyeen ayaa ujeedka Mooshinkooda waxa ay ku sheegeen in ay kalsoonida kala noqdaan Guddoomiye (Jawaari).

Qodobada ay ku eedeeyeen waxaa ka mid ah xil gudasho la’aan, Ku xad gudubka Dastuurka iyo Xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ku takrifal awoodeed iyo caburinta xildhibaanada iyo dhisid la’aanta Guddiyada Baarlamaanka.

Xildhibaanada Mooshinka ka wada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa ay tiro ahaan ka badan yihiin 100, waxayna Mooshinkooda u gudbiyeen Guddoomiye ku xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Magaalada Muqdisho xalay hooyaad kama jirin marka loo eego dhanka xildhibaanada oo waxaa socday olole kala jiidasho xildhibaanada .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here