As Roma oo guul dirqi ah ka heshay Shakhtar Donetsk isla markaana iska xaadirisay quarter final-ka Champions League.

0
46

As Roma ayaa guul dirqi ah ka gaartay dhigeeda Shakhtar Donetsk, waxeyna taasi ka saaciday iney u gudubto wareega quarter final-ka Champions League kulan dhib badan oo ka dhacay garoonka Olympico Stadium.

Shakhtar Donetsk ayaa kulankii hore ku adkaatay 2-1, balse kulankaan waxey natiijada noqotay 1-0, oo ay guusha ku qaadatay kooxda Roma, waxaana goolka u dhaliyay Edin Dzeko.

Kooxda ka dhisan caasimadda waxey kusoo baxday goolka ay banaanka kusoo dhalisay taasoo faa’iido weyn u noqotay, waxeyna noqotay kooxdii labaad oo talyaaniga ka socota isla markaana soo gaarta Quarter final-ka tartanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here