Barcelona oo lasoo wareegeysa Raheem Sterling, balse waa tallaabo dhabarjab ku ah Liverpool!

0
62

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay gacanta kusoo dhigto weeraryahanka kooxda Manchester City Raheem Sterling xagaagaan.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Barcelona la wareegto Raheem Sterling waxay taasi dhabarjab ku noqon doontaa kooxda Liverpool oo raacdo ugu jirtay saxiixa laacibka AS Monaco Thomas Lemar.

Sida laga soo xigtay shabakadda El Gol Digital ee dalka Spain, Barcelona ayaa diyaar u ah inay xoojiso weerarkeeda, Sterling ayaana ka mid ah xiddigaha ay dooneyso, iyadoo laacibkaani uu muhiim u noqday Man City tan iyo markii uu yimid tababare Pep Guardiola.

Xiddiga reer England ayaa 20 gool u dhaliyey Man City tartamada oo dhan xilli ciyaareedkaan.

Shabakadda El Gol Digital ayaana ku warameysa inay Man City gacanta kusoo dhigi doonto laacibka AS Monaco Thomas Lemar haddii ay Barcelona la wareegto Sterling.

Tani waxay dhabarjab ku noqon doontaa Liverpool oo dooneysay inay lasoo wareegto Lemar una aragta bedelka Philippe Coutinho oo bishii Jannaayo ku biiray Barcelona.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here