Cali Gacal ” Baarlamaanka Galmudug waxa ay ka fadhiisanayaan bixinta Sharciyada Dhulka”

0
4

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Baarlamaanka Maamulka Galmudug uu ka fadhiisanayo Bixinta Sharciyada dhulka la xiriira.

Muhiimadda uu leeyahay qodobkaan waxa uu ku sheegay in uu salka u dhigi doono is qab-qabsiga la xiriira dhulalka iyo boobka loo geysto dhulka guud.

Baarlamaanka oo ah Hay’adda Sharci dajinta ayuu tibaaxay in ay kasoo saari doonaan go’aamo hagagaye habka loo bixinayo dhulalka ama loogu kala wareegsanayo.

Waxa uu tibaaxay in Baarlamaanka ay yihiin Matalaadda Shacabka, ayna ka fadhiistaan waxyaabaha bulshada kusoo kordha ama Caqabadaha ku noqda si looga gudbo.

Cali Cagal Casir waa uu sii hadlay waxa uuna tilmaamay in sharcigaan soo bixistiisa ay shacabka ka sugaan Baarlamaanka, waxa uuna Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay kahor dulqaataan.

Is qab-qabsiga ka dhasha dhulalka ayaa kusoo kordhay qeybo kamid ah Deegaanada Galmudug, saameyntiisana ayaa ka muuqda deegaanada ugu badan ee dhulalka la isku heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here