Ciidamo Kenyan ah oo ku Geeriyooday Qarax lala eegtay.

0
48

Qaraxaan ayaa ka dhacaya wadada isku xirta Ceelwaaq iyo Mandheere, kadib markii Miino lagu aasay Wadada uu dul maray mid kamid ah Gawaarida Ciidamada Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in Khasaara dhimasho iyo mid dhaawac uu kasoo gaaray Ciidankii Kenya ee Gaariga Miinada ku qaraxday saarnaa.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaan waxa ay sheegeen in afar askari oo kenyan ah in ay ku dileen, halka kuwo kalana ay ku dhaawaceen.

Qaraxa kadib Ciidamada Kenya ayaa rasaas ku riday Jihooyin kala duwan, iyagoona kolkii dambe dhulka usoo degay si ay u qaadaan Ciidamada waxyeelada ka gaartay, isla markaana ay jiitaan Gaarigii Qaraxa uu qabsaday.

Lama soo sheegin Waxyeelo ka dhalatay Rasaaska Ciidamada Kenya ay rideen, maadaama dadka deegaanka ay horay ugu barakaceen, qaraxyada iyo weerarada waddo galka ah Ciidamada Kenya ay kala kulmaan Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Kenya oo ay kaga hadleyso Qaraxa maanta ciidamadooda ku qabsaday inta dhaxeyso Ceelwaaq iyo Mandheera.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here