{DAAWO MUUQAALKA} Afar sano Kadib Markii Shabaab Laga Saaray Buulo Burte Oo Munaasabad Loogu Dabaal Dagayay Lagu Qabtay Magalada

0
50

13Ki maarso afar sano ka hor manta oo kale ayeey ciidamada xooga dalka iyo ciidanka amisom gar ahaan kuwa jabuuti ee hiil walal waxa ay al shabaab ka xoreeyeen degmada buulo butre oo mudo lixsano ah shabaabku maamulayeen degmada,

 

Munaasabad maalintaas lagu maamuusayay oo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada buulo burte iyo maamulka gobolka hiiraan saraakiisha ciidanka xooga dalka kuwa hiil ayaa manta lagu qabtay buulo burte,

 

 

wax garadka degmada iyo odayaasha dhaqanka oo munaasbada ka hadlay ayaa kasheekeyay dhibaatooyinka ka jira degmada afarsano ka dib waxana ay dalbadeen in wadooyinka loofuro degmada,

 

Gudoomiyaha degmada iyo duqa degmada oo munaasabada ka hadlay ayaa u mahadceliyay ciidamada xooga iyo kuwa hiil walaal waxana ay baaq u direen dowlada soomaaliya,

 

Col: Cusmaan Dubad ayaa bulshada bula burte kula dardaarmay in ay xoojiyaan amaanka ciidamadana la shaqeeyaan

 

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cisman iyo taliyaha ciidanka xooga dalka qeybta gobolka hiiraan col faarax ali waasuge ayaa sheegay in madaxda dowlada la kaashan doonaan sidii go,doonka looga saari lahaa buulo burte shacabkana waxa ay ka codsadeen in ay la shaqeeyaan ciidanka xoga iyo hiil walal,

 

inkastoo afarsano ay kasoo wareegtay markii shabaab laga saaray hadana wali waxaa ka jira degmada caqabado dhanka arimaha bulshada ah maadaama ay wali wadooyinka ka xiran yihiin,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here