{DAAWO SAWIRADA} Gudoomiye Yariisow Iyo Taliyayaasha Ciidamada Oo Kormeeray Isgoysyada Qaar Ee Muqdisho

0
65

Isgoosyada Wadada Sodonka iyo Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho waxaa howla kormeer xili habeenima ah ku tagay Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed, Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Gudoomiye kuxigeenka 1aad Gobolka Benaadir ahna kuxigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Benaadir,

Goobaha ay kormeerka ku tageen waxaa kamid ah Isgooska (Balagsii) Isgooska ( Baar-uwax) Isgooska (Cali Kamiin) isgooska ( Ex Contoral Balcad) Saldhiga Degmada Hiliwaa,Suuqa Xowlaha iyo sidoo kale ( Darmoonley) oo ah Contoralka laga soo galo Magaalada Muqdisho,

Ujeedka kormeerka oo ahaay u kuur galida arimaha Amniga iyo sidoo kale wada shaqeynta ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada ayaa masuuliyiinta iyo saraakiisha waxey socod dheer ah ku marayeen qaar kamid isgoosyada wadada Sodonka iyagoo ganacsatada iyo shacabka ku boorinaayay in ay kaalin ka qaatan hormarinta Bilicda Caasimada iyo Xasiloonideyda,

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed Gen: Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiira galin ciidamada amniga iyo xoojinta Nabad-galyada Magaalada,

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yarisow) waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay soo martay marxalada kala duwan oo adag haatana ay kujirto xil wanaagsan oo u baahan in lasii xoojiyo hormarkeda iyo xasiloonideyda,

Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed ayaa waxey booqdeen Degmada Hiliwaa ee Gobolka Benaadir halkaasi oo ay kula kulmeen Maamulka Degmada iyo saraakisha laamaha amniga ee Degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here