{DAAWO SAWIRADA} Kooxda Chelsea oo u duushay dalka Spain ka hor kulankeeda habeen dambe ee Barcelona.

0
30
vlcsnap-2018-03-13-14h35m29s639.png

Kooxda kubadda cagta Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa u duushay dalka Spain, ka hor kulankeeda habeen dambe ee Champions League oo ay la leeyihiin Barcelona.

Blues ayaa habeen dambe dalka Spain kula ciyaari doonta naadiga Barcelona lugta labaad ee wareegga 16-ka Koobka horyaalladda Yurub ee Champions League.

Wiilasha tababare Antonio Conte ayaa safarkooda ka bilaabay xerada tababarka kooxda ee Cobham, ka hor inta aysan gaarin garoonka diyaaradaha.

Eden Hazard, Cesc Fabregas, kabtanka kooxda ee Gary

Cahill iyo goolhaye Thibaut Courtois ayaa safarka si weyn uga dhex muuqday.

Sidoo kale waxaa la arkayey Olivier Giroud oo isago qoorta qalloocinaya raacaya Baska kooxda ka soo qaadayey xerada tababarka Cobham si uu u geeyo garoonka Diyaaradaha iyo Willian oo saaran jaran-jarada diyaaradda.

Chelsea ayaa doonaysa habeen dambe inay garoonka Nou Camp ku reebto kooxda Barcelona, kaddib markii lugtii hore ay ku soo kala baxeen barbaro 1-1.

Kulankii lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League Lionel Messi ayaa goolkiisii ugu horreeyey taariikhda ka dhaliyey Chelsea, kaddib markii uu goolka furitaanka ciyaarta u dhaliyey Blues Willian.

Twitter video is loading

SAWIRRO:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here