{DAAWO SAWIRADA} Maamulka Degmada Baladxaawo oo maalintii labaad goob fagaare ah ku gubay Qaad

0
21

Masuliyiinta mamulka Degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa maanta meel fagaare ah ku gubay qaad gaaraya ilaa 25 Jawaan, kaa oo la doonayay in loo gudbiyo degmooyinka gobolka Gedo sida Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsna gobolkaasi ayadoo maalintii afaraad ay xiranyihiin dhaqdhaqaaqyadii dadka iyo ganacsiga ee degmooyinka Baladxaawo iyo Mandheera.

Saraakiil ka tirsan ciidamada nabadgelyada degmadaasi oo goobtii lagu gubayay Qaadka kula hadlay dadweeynihii halkaasi isugu yimid ayaa sheegay in ololaha ka dhanka ah Qaadka uu socon doono, ayagoo ku baaqay in laga fogaado in ganacsi ahaan loo keeno Qaadka degmooyinka gobolka Gedo.

Taliyaha nabadsugidda gobolkaasi Cali Xasan Deer ayaa sheegay in  waxyeelada qaadka u geeysanayo bulshada ay tahay mid baaxad leh, isagoo xusay in dhowrkii maalin ee qaadka laga waayay degmooyinka gobolka Gedo la dareemayo isbadallo dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga ah.

Saraakiisha ayaa uga digay ganacsatada  gobolkaasi in ay lacagahooda geliyaan Qaadka, isagoo sheegay in goobtii lagu sheego Qaad ay ciiidamadu tagi doonaan, islamarkaana ku gubi doonaan.

Saraakiil ka tirsan dowladda Kenya oo ganacsatada Qaadka kula hadlay Mandheera ayaa la sheegay in ay ku wargeliyeen in aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin in Qaadka laga mamnuuco gobolka Gedo, ayagoo sheegay in Qaadka ay cunto Soomaalida, ayna tahay wax aysan ka maarmi karin.

Qaadka oo ka baxa beero ku yaal dalka Kenya ayaa ganacsi ahaan loogu soo dhoofiyaa Soomaaliya, ayadoo ay kasoo xaroodaan dhaqaale aad u badan.

Wargeyska Daily Nation ayaa baahiyay in bishiiba Soomaaliya ay aadaan 540 Duulimaad oo sida Qaad, waxaana Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee ganacsiga Qaadka dalkaasi Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sanaddii tagtay ee 2017 ku yaboohay lacago dhan 1.5 Billion oo lacagta Kenya ah, in lagu maalgeliyo beeraha uu qaadka ka baxo ee dalkaasi.

Dabayaqadii sanaddii tagtay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay ka mamnuucday dalka in ay kasoo dagaan diyaaradaha Qaadka ka keena Kenya, taa oo sababtay in malaayiin doollar ay qasaaraan ganacsatada qaadka dalkaasi, kuwaa oo markii danbe dhigay dibadbaxyo ay dowladda Kenya uga dalbanayeen in dowladda Soomaaliya ay kala hadasho sidii dib loogu fasixi lahaa ganacsiga dhanka Qaadka, waxaana dowladda Soomaaliya ay dib ka fasaxday duulimaadyadii Qaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here