{DAAWO SAWIRADA} Madaxweynaha Somaliya oo shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay Wasaaradda Gaashaandhigga

0
31

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi (Farmaajo) ayaa shaqo maalmeedkiisa u wareejiyay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Mudane Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa halkaasi kulamo kula soo qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo halkaasi ku soo dhaweeyey.

Booqashada Madaxweynaha ee xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa ku wehlinayay Wasiirka Difaaca Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale.

Ujeedada ayaa ah sidii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi (Farmaajo) uu u dhiiro gelin lahaa dardar gelinta howlgalada Millitari ee ka dhanka ah xoogaga ururka Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa horey xafiis uga furtay xarunta Wasaaradda Difaaca Dalka, halkaasi oo dhowr jeer uu ku gutay shaqo maalmeedkiisa, waxaana tani ay qeyb ka tahay dadaalo lagu dhiiro gelinayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Dowladda Federaalka ayaa wada qorshe Dagaal oo ku jeeda ururka Al-shabaab, kaasi oo looga saarayo degaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin dalka, iyada oo la kaashanayo Ciidanka AMISOM iyo kuwa Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here