{DAAWO SAWIRADA} Madaxweyne Xaaf Oo La Kulmay Gudiyada Isku-Dhafka Baarlamaanka & Dastuurka

0
35

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa maanta booqday xarumaha ay ku shaqeynayaan Gudiyada isku dhafka Baarlamaanka iyo Gudiga isku dhafka labada Dastuur,

 

 

Axmed Ducaale Geelle Xaaf  ayaa warbixino ka dhageystay xubnaha gudiyada waxa ayna u sheegeen in Shaqada ugu badan ee dib u eegista Dastuurka la xaliyey,

 

 

Qodobada dastuurka ee ku saabsan Maaliyada iyo Xuquuqda aadanaha ayaa si weyn loo eegayaa waxa uuna madaxweynuhu kula dardaarmay gudiyada in ay mudo kooban ku soo dhameeyaan shaqada,

 

 

Madaxweyne xaaf ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagey Xerada 21aad ee ciidanka xooga dalka waxa uuna saraakiisha xerada u sheegey in dhowaan la bilaabi doono dhismaha xeradda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here