{DAAWO SAWIRADA} Wafdi ka socdo qaramada midoobay oo kulan la qaatay Maamulka Koofur kalbed

0
3

Saraakiil Qaramada Midoobey ka socday ayaa shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana ku qaabilay Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Wasiirka Amniga, Xasan Xuseen Maxamed (Xasan Eelaay).

Saraakiishan oo ka tirsan Booliska Qaramada Midoobey ayaa muddooyinkan dambe Maamulka Koonfur Galbeed kala shaqaynaayay dhanka Ciidamada iyo Arrimaha ammaanka.

Bengt Gronlund ayaa horkacayay saraakiishan, waxayna Kusimaha Madaxweynaha ay is dhaafsadeen tallooyin ku aadan suggida nabadgelyada iyo weliba dhismaha Ciidamada Koonfur Galbeed.

Saraakiishan oo dhameystay muddo xiloodkoodii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayuu Wasiir Xasan (Eelaay) guddoonsiiyay shahaado sharaf iyo hadiyad uu ugu talagalay, iyagoona kaga mahadceliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here