{DHAGEYSO} Maamulka Jubbaland Oo Faah Faahin Ka Bixiyay Howlgal ay Ka sameyen duleedka Kismaayo.

0
22

Saraakiisha ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxa ay faah fahin ka bixiyeen dagaal Ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa xoogga dalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanka Wirkooy ee duleedka Magaalada Kismaayo.

 

Dagaalka oo ay qadeen Ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka ayaa Saraakiisha ciidamada Jubbaland waxa ay sheegeen in dagaalkaas ay guulo waaweyn ka gaareen isla markana ay dileen rag ka tirsan Al-Shabaab.

 

Cor,Muqtaar Cabdi Maxamed oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Jubbaland ayaa sheegay in ay xog ku heleen in Ciidamada Shabaab ay isku aruursanayaan ay weerarkas ku qaadeen.

Waxa uu sheegay in 7 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay halkaasi ku dileen,isla markana ay hayaan Meydkooda,balse dhankooda uu ka dhaawacmay hal Askari sida uu hadalka u dhigay.

 

Majiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Saraakiisha Jubbaland in deegaanka Wirkooy ay ku dileen rag ka tirsan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here