Faah faahin ka sobaxeyso weerar xalay ka dhacay Kaxda

0
33
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ay ku qaadeen meel xubno ka tirsan ururka Al-shabaab ay kaga sugnaayeen degmada Kaxda.

Weerarkan ayaa waxaa qaaday Ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabad Sugidda degmada Kaxda, wuxuuna jawaab u ahaa Askari shalay lagu dilay gudaha degmadaasi.

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa shalay gelinkii dambe degmada Kaxda waxa ay ku dileen Askari ka tirsanaa Ciidanka Dowladda oo lagu magacaabi jiray Ilkacase, kadibna waxa ay ka qaateen Qorigii iyo Booshashkii uu watay.

Ciidanka Dowladda oo ka jawaabayay dilkaasi ayaa xalay abaare 11:00 habeenimo weerar qorsheysan waxa ay ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasi oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab.

Labada dhinac halkaasi waxaa ku dhexmaray dagaal kooban dagaal kooban, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiisha Hay’adaha ammaanka degmada Kaxda ayaa waxa ay  sheegeen in dhankooda weerarkaasi uu uga dhintay Hal Askari oo lagu magacaabi jiray Alxam, iyaguna ay khasaare gaarsiiyeen xoogaga Shabaab.

Dadka degan degmada Kaxda ayaa waxa ay sheegeen in xalay mar qura ay maqleen rasaas fara badan oo isweydaarsi ah, balse markii dambe ay ogaadeen in dagaal uu dhacay, xaalada degmada Kaxda ayaa saakay, iyada oo shacabka ay weli hadal hayaan dagaalkii xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here