Gareth Bale oo indhaha ku haya inuu dib ugu soo laabto horyaalka Premier League

0
60

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa la soo warinayaa inuu indhaha ku hayo sidii uu dib ugu soo laaban lahaa horyaalka Premier League kaddib markii uu ku guuldarreystay booskiisa shaxda tababare Zinedine Zidane.

Xiddiga reer Welsh, kaasoo kooxda Los Blancos kaga soo biiray Tottenham Hotspur sanadkii 2013-kii adduun dhan 85 milyan oo gini ayaa dhaliyey 8 gool 18 kulan oo uu horyaalka La Liga ciyaaray xilli ciyaareedkan oo ay ku jiraan afar gool oo uu dhaliyey isagoo ka soo kacay kursiga keydka.

Sida uu warinayo Warsidaha Diario Gol ee laga aqristo Spain, Bale ayaa ogaaday inuusan boos joogto ah ka heli doono Zidane, isla markaana uu doonayo inuu 28-sano jiraan dib ugu laabto dalka Ingiriiska.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Bale uu ka warqabo fursadaha kale ee dibadda, laakiin waxa uu rajeynayaa in qiimaha bedelkiisa uu kaliya u ogolaan doono madaxweynaha Madrid ee Florentino Perez si uu ula xaajoodo kooxaha Premier League.

Waxaa la sheegay in Luka Modric uu sidoo kale ka fikirayo inuu ka tago caasimadda Spain, iyadoo lagu eedeynayo in 32-sano jirkaan uusan xilli ciyaareed buuxa u ciyaarin Madrid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here