Gareth Bale Oo Ku Wargeliyay Saxiibkiisa Real Madrid Cristiano Ronaldo Kooxda Uu Ku Biirayo- Waa Tee?

0
7

CRISTIANO RONALDO ayaa si cad u fahamsan in Gareth Bale uu doonayo inuu u dhaqaaqo kooxda ka dhisan Premier League ee Manchester United.

Gareth Bale ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid ka dib markii uu dhaawac kubka ah soo gaaray, islamarkaana uu ku dhibtooday nolosha kooxda ka dhisan caasimada Spain.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu si aad ah ugu jahwareeray dhibaatada haysata xididga Wels, waxaana uu rajeynayaa inuu xagaaga iska iibiyo.

Bale wuxuu doonayaa inuu ku laabto Premier League, halkaasoo uu ugu magac weyn ka sameeyay waqtigiisii kooxda Tottenham.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Ronaldo inuu qorsheynayo u dhaqaaqista Manchester United, sida laga soo xigtay majalada Don Balon.Man Utd Cristiano Ronaldo Gareth Bale Real Madrid

Tababaraha United Jose Mourinho ayaa dalab u diray xiddigiisii hore bilowgii xilli ciyaareedkan, Laakiin Red Devils ayaa tan iyo markii ay la soo saxiixdeen Alexis Sanchez waxay ku dhawaaqday inaysan u baahneyn weeraryahan kale.

Anthony Martial ayaa lala xiriirinayaa inuu ka tagayo United, iyadoo Bale loo arko bedelka saxda ah ee ciyaaryahanka reer France.

Don Balon ayaa intaas ku daray in Real Madrid ay dalbatay lacag dhan € 130million haddii Bale uu u dhaqaaqyo kooxda Manchester United.

Perez ayaa doonaya inuu u isticmaalo wadahadal kasta oo uu Bale ugu biirayo Manchester United goolhaye David de Gea.

Los Blancos ayaa raadineysay goolhayahaan dhowr sanno, waxaana ay qorsheynayaan inay ka dhigaan bedelka Kalor Navas.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here