HORDHAC: Barcelona v Chelsea- Blues Lagama Badin Afartii Booqasho Ee Ugu Dambeysay Camp Nou

0
66

Barcelona ayaa Chelsea kusoo dhaweyneysa Camp Nou kulanka lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Labada kooxood ayaa lugtii hore ee Stamford Bridge ku kala baxay 1-1, waxaana koox walba ay rajeyneysaa in ay usoo baxdo wareega 8da.

Barcelona ayaa ciyaarta kusoo laaban karta garoonkeeda, laakiin kooxda Antonio Conte ayaa ah mid wax walba laga filan karo caawa.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Camp Nou 

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Antonio Conte says Barcelona have an advantage heading into the second leg of their Champions League last-16 tie with Chelsea

Lionel Messi ayaa kusoo laabtay Barcelona, kadib markii uu seegay ciyaartii ugu dambeysay sabab la xiriirta dhalashada wiilkiisa seddexaad, halka Andres Iniesta uu tababar la qaatay kooxda Isniintii.

Nelson Semedo ayaa wali dhaawac ku maqan, halka Philippe Coutinho uusan ciyaari Karin tartankaan sabab la xiriirta inuu  xilli ciyaareedkan Liverpool usoo matalay.

Chelsea ayaa waxaa ka maqan daafaca David Luiz, kaasoo ka soo kabsanaya dhaawac canqowga ah, halka Ross Barkley uu weli dhaawac ku maqan yahay.

XAQIIQADA KULANKA

Willian celebrates after scoring Chelsea's opening goal in the first leg

Rikoorka Barcelona ee gurigeeda kaga heysto kooxaha England tartanka Champions League ayaa ah W19, D11, L2.

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 14aad ee dhexmara labada kooxood, kaliya Bayern v Real Madrid, Barcelona v Milan ayaa ciyaaray kulamo ka badan.

Lix ka mid ah 13kii kulan ee hore ee u dhaxeeyay labada koox ee Barcelona iyo Chelsea ayaa kusoo dhamaaday barbar dhac.

Chelsea ayaan laga badin sideedii kulan ee ugu dambeysay Champions League ay ku wajaheen Barcelona, waxa ay ka heystaan W2 D6, waxaana kujira afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Camp Nou.

Chelsea ayaa afar casaan ah loo taagay kulamada Champions League ay ku wajahaan Barcelona, taasoo ka dhigan in kulankaan uuu yahay midka ay ugu casaan qaadasho badan tahay.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Barcelona: Ter Stegen; Vidal, Umtiti, Pique, Alba; Rakitic, Busquets, Iniesta; L. Suarez, Dembele, Messi.

Chelsea: Courtois; Rudiger, Christensen, Azpilicueta, Alonso, Zappacosta; Kante, Fabregas, Hazard, Willian; Morata.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here