HORDHAC: Beşiktaş v Bayern Munich- Kooxda Ka Dhisan Bundesliga Oo Kulan Baashaal Ah Booqaneysa Caasimada Turkiga

0
26

Inkastoo aysan jirin koox kasoo laabatay guuldarro 5-0 ah oo soo gaartay lugta hore ee wareega 16ka Champions League, Bayern Munich wax cabsi ah ma qabi doonto kulanka ay caawa usafrayaan Besiktas.

Kooxda heysata horyaalka Bundesliga ayaa booqaneysa Besiktas Park xili ay kujirto qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa tartanka Champions League.

Waxa ay badisay Bayern Muncih shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan oo ay ku ciyaartay minan iyo marrtiba.

Si kastaba ha ahaatee, tababaraha Bayern Jupp Heynckes ayaa uga digay kooxdiisa inay is dhigtaan kulanka ay booqanayaan caawa caasimada Turkiga.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Besiktas Park 

SAACADA: 8:00 PM

MAXAA CUSUB?

Besiktas waxaa ka maqnaan doona labada ciyaaryahan ee Dusko Tosic iyo Pepe, halka daafaca Croatia Domagoj Vida uu seegi doono ciyaartaan.

Dhanka kale, Kingsley Coman iyo Manuel Neuer ayaa dhaawac kaga maqan Munich, iyadoo Corentin Tolisso iyo kubad sameeyaha reer Colombia James Rodriguez sidoo kale shaki laga muujinayo kulanka ka dhacaya Istanbul.

XAQIIQADA KULANKA 

Besiktas ayaa haatan laga badiyay dhamaan seddexdii kulan ee Champions League ay ku wajaheen Bayern, iyadoo laga badiyay 9 gool.Bayern ayaa gaartay semi-finalka Champions League lix ka mid ah sideedii xilli ciyaareed ee u danbeyay.

Bayern ayaa badisay shantii kulan ee ugu dambeysay Champions League, waana xilligii ugu dheeraa oo aan laga badin.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda Jarmalka ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 10kii kulan ee ugu dambeyay oo ay marti ahaayeen tartamada oo dhan, sidookale afar barbaro ayay galeen, shanna waa laga badiyay.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Beşiktaş: Fabri; Gökhan, Medel, Necip, Adriano; Hutchinson, Tolgay; Quaresma, Talisca, Babel; Negredo

Bayern: Ulreich; Kimmich, Süle, Hummels, Alaba; Vidal, Thiago; Müller, James, Ribéry; Wagner

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here