In kabadan 48 Qof oo ku dhintay shil gaari oo ka dhacay dalka Itoobiya

0
19

Ugu yaraan 48 Qof ayaa ku geeritootay Dalka Itoobiya kaddib markii ay galeen Shil Gaari,Dadka dhaawacmay ayaa u badnaa Ardey.

11 Qof kale oo ku dhaawacmay shilkaas ayaa la dhigay Isbitaalka Hidar 11 ee Magaalada Akesta ee Dalka Itoobiya,Ardeyda dhimatay 10 ka mid ah waa Haween waxaana ay ahaayeen Ardey Jaamacadeed.

Baska ay saarnaayeen Ardeyda ayaa waxaa uu ka baxay Waddada isaga oo ka dhacay Taag 5 Mitir dhulka ka sarreeya,iyada oo uu khasaaraha ugu badanna ku dhacay Ardeyda Jaamacadda.

Dowladda Itoobiya wali kama hadlin shilkan,hayeeshee Wargeyska Adis ababa Standard ayaa sheegaya in laanta warfaafinta ee degaanka Legambo wereda ay xaqiijisay shilkaasi dhacay ee ay dadka badan ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here