Jamie Carragher Oo Wajiga Kaga Candhuufay Gabar 14-sano Jir Taaageerta Man Utd & Shaqadiisa SKY Oo Halis Kujirta

0
36

Jamie Carragher ayaa raaligelin ka bixiyay inuu ku candhuufay gabar 14-sano jir ah oo taageere u ah kooxda Manchester United ka dib markii Liverpool ay guul darro 2-1 ah kasoo gaartay kulankii Old Trafford.

Carragher wuxuu u ciyaaray kooxda Liverpool muddo 17 sanno ah ka dib markii uu saftay ciyaartiisii ugu horeysay 1996-dii, waxaana uu la ciyaaray kulamo badan oo xiiso leh kooxda ay xafiiltamaan ee United.

Hadda waxa uu ka sheegayaa halyeyga Liverpool warbaahinta Sky Sports, iyadoo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu lumin karo shaqadiisa falanqeynimo ee kubadda cagta.

Laakiin Carragher ayaa daboolka ka qaaday kadib kulankii sabtidii ka dhacay Old Trafford, waxaan ku lug yeeshay dhacdo mugdi ah..

Daafacii hore ee Liverpool ayaa six un ula dhaqmay tageere 14 jir ah kadib dhamaadka ciyaartii Reds 2-1 looga badiyay.

Gabadha 14-jirka ah ee taageeraha u ah kooxda Manchester United waxay saarneyd kursiga rakaabka ka hor inta uusan wejiga kaga candhuufin Carragher.

Carragher ayaa sharraxay dhacdada, isagoo qirtay inuu wax cudurdaar ah u aheyn dhaqankiisii foosha xumaa ee dhacay kadib guul darradii Liverpool.

Carragher ayaa kusoo qoray Twitter-kiisa, “Gabi ahaanba waxaan raali galinayaa shakhsi aan sida xun ula dhaqmay iyo qoyska oo dhan.

“Saddex ama afar jeer ayaan la hadlay, iyada” laakiin wax cudur daar ah ma lahan dhacdada aan sameeyay “ayuu hadalkiisa ku daray halyeyga Reds Carragher.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here