Jose Mourinho oo dalbaday in seddax boos laga xoojiyo Man Utd si uu ugu guuleysto koonka horyaalka EPL

0
19

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa wuxuu u sheegay maamulka kooxdiisa inuu seddax saxiix uga baahan yahay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Sida laga soo xigtay majaladda Daily Mirror ee dalka Ingiriiska, tababare Jose Mourinho wuxuu dalbaday in seddax boos laga xoojiyo Man United ka hor bilowga xilli ciyaareedka soo aadan.

Special One wuxuu doonayaa daafac cusub oo dambeedka dhexe ah waana bartilmaameedkiisa ugu weyn, sidoo kale wuxuu doonayaa inuu laba boos oo kale kooxda ka xoojiyo.

Mourinho waxaa liiska ugu jira daafaca dambeedka dhexe ee Tottenham Toby Alderweireld iyo Sokratis Papastathopoulos oo u ciyaara kooxda Borussia Dortmund. Waxayna u badan tahay inuu soo qaato Papastathopoulos maadaama lagu heli karo 20 milyan oo ginni.

Booska labaad ee uu doonayo Mourinho in laga xoojiyo Man United waa qadka dhexe ee burburiyaha. Maadaama Michael Carrick uu fariisanayo dhammaadka xilli ciyaareedkaan, sidoo kalena Marouane Fellaini uu kooxda ka tegi doono, tababaraha reer Portugal ayaa u baahan bedelkooda.

Xiddiga kooxda Lazio Sergej Milinkovic-Savic ayaana u calaameysan Mourinho. Sidoo kale tababarihii hore ee Chelsea ayaa daaha ka qaaday inuu doonayo daafac cusub oo dambeedka bidix ah.

Luke Shaw ayaa ku guuldarreystay inuu qanciyo qaab ciyaareed ahaan Mourinho, waxaana booskiisa dhaxlay Ashley Young oo 32 sanno jir ah, balse aan noqon karin xal mustaqbalka fog ah. Daafaca dambeedka bidix ee reer England Danny Rose oo u ciyaara kooxda Tottenham ayuuna dalbaday Mourinho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here