Jose Mourinho Oo Sheegay In Wax Cusub Aysan Aheyn Guul darrada Man Utd- Muxuuse Ka Yiri Awooda Sevilla?

0
35

Jose Mourinho ayaa sheegay in wax cusub aysan aheyn in koxda Manchester United laga soo reebay tartanka Champions League.

Kooxda Mourinho ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareed liita, iyadoo Sevilla 2-1 kaga badisay kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Mourinho ayaa ku adkeysanaya in qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigtay kooxdiisa, inkastoo kaliya afar darbo loo diiwaan geliyay kulamadii labada lugood.

Mourinho ayaa yiri: “Waxaan ku fariistay kursigan labo jeer, waxaan garaacay Man Utd labo jeer anigoo Porto ah, sidookale waxaan garaacay anigoo Real Madrid ah, mana ahan wax cusub in laga badiyo.

“Ma doonayo inaan arimhanaa ku mashquulno, sabtida waxaan ciyareynaa kulanka kale “ ayuu yiri Jose Mourinho.

Sevilla waxa ay heysataa koox fiican, wayna ka faa’iideysteen waqtigooda, “Waxa ay leeyihiin ciyaartoy khad dhexe oo aad u fiican, waxay isku dayeen inay sameeyaan qeybtii hore wax fiican” ayuu hadalkiisa raaaciyay Jose Mourinho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here