Jose Mourinho oo wajahaya go’aan madax xanuun leh oo ku aadan Paul Pogba ka hor kulanka Sevilla

0
25

Manchester United ayaa Sabtidii guul 2-1 ah ka gaartay kooxda Liverpool, su’aashii ugu dambeysay ee la weydiiyey tababare Jose Mourinho dhammaadkii ciyaartaas ayaana aheyd haddii uu Paul Pogba taam u noqon doono ciyaarta kooxda Sevilla.

Balse Mourinho wuxuu sheegay in uusan middaas ka warqabin, markii Pogba uu ku dhaawacmay tababarkii ugu dambeeyey ee Jimcadii.

Manchester United ayaa Talaadada wajaheyso kooxda Sevilla lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League, waxayna su’aashu tahay haddii uu xiddiga reer France ciyaari doono kulankaan, haddii uu taam u noqon doono iyo haddii kale.

Balse tababare Mourinho ayaaba laga yaabaa in uusan Pogba ciyaarsiin kulankaan, maadaama Manchester United ay la’aantiis si wanaagsan u ciyaartay guulna gaartay ciyaartii Liverpool.

Kuna darso inuu Mourinho dhowr jeer keydka dhigay Pogba xilli ciyaareedkaan, booska xiddiga jooga 89ka milyan oo ginni ayaana waxaa dhaxlay Scott McTominay kaasoo qaab ciyaareed wanaagsan qadka dhexe kula muujiyey Nemanja Matic.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here