Kooxda Manchester City oo ka degtay Magaalada Abu Dhabi… + SAWIRRO

0
69

Kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa gaartay Magaalada Abu Dhabi ee isu tagga imaaraadka carabta sida la shaaciyey goordhow.

Man City ayaa loo caleemo saari doonaa hanashada horyaalka Premier League haddii ay guul gaarto labada kulan ee ku soo aaddan horyaalka Ingiriiska.

Haddabakaddib markii kooxda tababare Pep Guardiola ay xalay 2-0 ku garaacday Stoke City ayay hoggaanka horyaalka Ingiriiska ku qabatay 16-dhibcood oo saafi ah.

Kooxda ka arrimisa Garoonka Etihad ayaa kulankii xalay ee Stoke kaddib u duushay Magaalada Abu Dhabi ay halkaan ugu soo qaadato cimilada kulul ee qorraxda.

Man City ayaa labada kulan ee horyaalka Premier League ku soo wajahan waxa ay la kala ciyaari doontaa Everton 31 bishaan Maarso, halka kulanka kalena ay la ciyaari doonto 7-da bisha April naadiga Manchester United, haddii ay labadaas kulan adkaatana waxa ay hanan doontaa horyaalka Premier League iyadoo ay kulamo ka harsan yihiin.

SAWIRRO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here