Lionel Messi Oo Ku Qasbaya Ousmane Dembele Inuu Iska Diido Arsenal Si Uu Ugu Biiro Kooxdan

0
9

Xiddiga Barcelona Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa inuu diidi doono qorshaha Ousmane Dembele ugu biirayo kooxda ka dhisan Premier League ee Arsenal.

Barcelona ayaa xagaagan lasoo saxiixatay Dembele oo kaga yimid Borussia Dortmund, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Arsenal marka uu furmo suuqa kala iibsiga.

20 jirkaan ayaa qaab ciyaareed fiican kusoo laabtay kulamadii u dambeyay, laakiin wuxuu inta badan ku qaatay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay Barcelona dhaawac.

Warar ayaa sheegaya inuusan heysan taageerada Liona Messi ee kooxda Barcelona, taasna ay ku qasbeyso inuu dhaqaaqo.

Shabakadda Isbaanishka ee Diario Gol ayaa sheegtay in Dembele uu haatan ka fiirsanayo inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Gunners ayaa qarka u saaran inay bilowdo wadahadal ay kusoo xero galineyso ciyaaryahanka Barcelona Dembele.

Arsene Wenger ayaa ku adkeysanaya inuu sii joogi doono shaqadiisa, kadib markii uu guulo xiriir ah ka gaaray AC Milan iyo Watford.

Taageerayaasha Arsenal ayaa doonaya inay arkaan tababarahooda halyeeyga ah oo ka dhaqaaqaya kooxda, kadib markii ay lumiyeen hanashada Premier League 14kii sanno ee lasoo dhaafay.

Kaliya koobka Europa League ayay rajo ka qabaan xili ciyaareedkaan si ay xilli ciyaareedka soo socda ugu soo muuqdaan tartanka Champions League.

Laakiin Diario Gol ayaa sheegay in Dembele uu ka fekerayo inuu ka dhaqaaqo Barcelona oo uu ka waayay taageero weyn tan iyo markii uu dib kaga soo laabtay dhaawaciisa.

Xiddigaha Barcelona ayaa dareensan in ciyaaryahanka uu ka walwalsan yahay taageero la’aanta uu kala kulmayo Messi, Luis Suarez iyo Coutinho.

Barcelona news Messi Dembele Arsenal transfer

Arsenal ayaa jeclaan laheyd inay kula lamideyso Premier League Pierre-Emerick Aubameyang, iyadoo xiddigaha Gabon iyo France saxiibtinimo ku ahaayeen Dortmund.

Atletico Madrid ayaa sidoo kale isha ku heysa xaalada Dembele ee kooxda Barcelona, waxaana ay doonayaan in lagu daro qorshaha Antoine Griezmann ugu dhaqaaqo Catalon.

Barcelona ayaa laga yaabaa inay go’aansato inay ku darto Dembele heshiiska ay kula soo wareegeyso 26 sanno jirka France Griezmann.

Haddii ay sidaa sameeyaan, tababaraha Atletico Diego Simeone ayaa u ogolaan kara Griezmann inuu tago kooxda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here