Liverpool oo u sheegtay Real Madrid qiimaha ay ku heli karto Mohamed Salah oo ay u aragto bedelka Gareth Bale

0
24

Mohamed Salah ayaa lagu daray liiska ciyaartoyda ay dooneyso kooxda Real Madrid si ay ugu bedesho Gareth Bale xagaagaan, sida ay sheegayaan saxaafadda Spain.

25 sanno jirkaan ayaa xilli ciyaareedkaan noqon kara laacibka sannadka horyaalka England Premier League isagoo qaab ciyaareed wanaagsan ku jiray xagaagaan oo idil tan iyo markii ay Liverpool kala soo wareegtay kooxda AS Roma.

Laacibka reer Masar ayaana haatan soo jiitay xiisaha kooxda Real Madrid, maadaama uu ku jiro qaab ciyaareed wanaagsan oo dhanka gooldhalinta ah.

Shabakadda El Confidencial ayaana haatan sheegeysa inay Real Madrid xiiso u qabto laacibkaan oo ay dooneyso inay ka dhigto bedelka xiddiga reer Wales Bale oo xagaagaan ka tegi doona Los Blancos.

Balse Liverpool waxay ku dooneysaa Salah qiimo lacageed ka badan midkii ay Philippe Coutinho uga iibisay Barcelona kaasoo ahaa 142 milyan oo ginni.

Warbixintaan ayaana lagu sheegay inay tahay inay Real Madrid bixiso 166 milyan oo ginni si ay ula wareegto Salah, waana qiimo la mid ah midkii ay Paris Saint-Germain kusoo iibsatay Kylian Mbappe xagaagii lasoo dhaafay.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa sidoo kale doonaya inuu kooxda keeno Robert Lewandowski, Eden Hazard iyo Neymar JR. Sidoo kale kooxda difaacaneysa koobka UEFA Champions League ayaa xiiso u qabta Mauro Icardi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here