Lukaku Oo Qaar ka Mid Ah Ciyaartoyda Man United Ku Tilmaamay Khiyaanoolayaal

0
6

Romelu Lukaku ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah ciyaartoyda Manchester United inay is qarinayeen ka dib guul darradii Seville.

Manchester United waxaa 2-1 kaga badisay Sevilla kulan katirsan lugta labaad ee wareega 16ka Champions League.

Lukaku ayaa u sheegay BT Sport: “Waxyaabaha qaar way adkaayeen, ciyaartoyda qaarkood way is qarinayeen, waxaa jirtay khiyano weyn” ayuu yiri Lukaku.

Waxaad ogtahay inaan ku bilaabanay ciyaarta si fiican, ka dibna waxaan u ogolaanay inay ciyaarta gacanta ku dhigaan kooxda Sevilla.

“Kadib waxaan helnay fursado yar, laakiin xaqiiqdii ma dhalin gool, ka dibna waxay dhaliyeen Sevilla goolkii ugu horeeyay.

“Waqtiga oo dhan waxaan isku dayaynay inaan ceyrsano ciyaarta, waxaana ay dhaliyeen goolka labaad oo ahaa mid dhaawac weyn noo ahaa, dhamaadkii ciyaarta waxaan helnay hal gool, laakiin kuma filneyn natiijadeena.

“Waxay aheyd inaan si fiican u shaqeyneyno, sababtoo ah tayada aan heysano iyo sida aan u ciyarnay ma aheyn wax isku mid ah “ ayuu yiri Lukaku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here