Marnaba Lacag Kuma Iibsadeen Pogba Ama Lukaku- Dagaalkii City & United Oo Dib U Qarxay Markale

0
25

Madaxa kooxda Manchester City Ferran Soriano ayaa dib ugu soo laabtay wararka sheegaya in xilli ciyaareedkan kooxdiisa suuqa galisay lacago badan.

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in 300 milyan oo ginni uu ku soo iibsaday ciyaaryahano cusub Tababare Pep Guadiola islamarkaana aysan ku filneyn weli marka la barbar dhigo kooxaha kale.

Hase yeeshee, wareysi uu bixyay madaxa kooxda Manchester City, Soriano ayaa keeni kara dood badan oo dhaxmarta labada koox ee xifaaltama.

Waxa uu yiri: “Haddii aad fiiriso 10ka xiddig ee ugu qaalisan waqtiga oo dhan midkoodna uma ciyaaro kooxda Manchester City.

“Miyaan heysanaa Pogba, Lukaku, Neymar ama Mbappe? Dabcan waxaan ka sameynay maalgashi muhiim ah suuqa kala iibsiga sababtoo ah waxaan bedelnay da’da kooxda.

“Dhamaan ciyaartoydii aan iibsanay waxay haatan suuqa ka joogaan £ 100m iyo kabadan, intaa waxaa dheer, Manchester City hadda waxay heshay lacag badan.

“Seddaxdii sano ee la soo dhaafay, ma anaan kharash gareyn dhaqaalaheena, sidaas darteed ma arko sabab aan ku dhaleeceyno xaaladeena suuqa.

Madaxa kooxda Man City Soriano ayaa ka careysiiyay tababare Mourinho oo lacag waali ah kusoo iibsaday Pogba iyo Lukaku, isagoo yiri Marnaba kuma iibsan laheyn lacagtaas Pogba ama Lukaku.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here