Maxaa Kugu Dhaafay Kulamadii Shalay Ilaa Xalay Laga Ciyaaray Premier League? Rikooro+ Taariikho

0
68

Kulamada waaweyn ee Premier League ee shalay ilaa xalay la ciyaaray ayaa laga soo calaamadeeyay natiijooyin kala duwan.

Manchester United ayaa garaaacday Liverpool, halka Chelsea ay ka gudubtay xalay kooxda Crystal Plalace oo ay marti u ahaayeen.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso 17 waxyaabood oo laga calaamadeeyay kulamadii shalay ilaa xalay laga ciyaaaray horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

1- Swansea City ma aysan isku dayin hal shuut kulankii shalay, waa heerkii ugu xumaa koox ka sameyso horyaalka England kadib Blackburn Rovers iyo Tottenham Hotspur oo wada ciyaaray bishii April 2012.

2- Huddersfield ayaa isku dayday 30 shuud kulankii Swansea City iyadoon gool ku dhalin, waana kooxda ugu badan ee aan gool ka dhalin kulan Premier League iyadoo shuudadkaas sameysay tan iyo Man Utd v Burnley (38 darbo, laga sameeyay bishii October 2016.

3- Wayne Rooney ayaa seegay seddex rigoore xilli ciyaareedkan Premier League, kaliya sideedii kulan ee ugu dambeysay xilli ciyaareedkan hal kulan ayuu shabaqa soo taabtay.

4- Chris Wood ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee ku lug leh seddexda gool Premier League isagoo bedel kusoo galay tan iyo markii Steven Naismith seddexleey u dhaliyay Everton kulankii Chelsea bishii September 2015kii.

5- Chris Wood waa ciyaaryahankii 5aad ee gool dhaliya islamarkaana caawiya isagoo kursiga keydka ka yimid kulan Premier League xilli ciyaareedkan.

6- Riyad Mahrez ayaa haatan ku lug leh 18 gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkan (10 gool isaga dhaliyay, 8 waa caawiyey) – waa in kabadan labo jeer bandhigiisii xilli ciyaareedkii hore oo uu kaliya sagaal gool ku dhaliyay.

7- Jonjo Shelvey ayaa labo caawin ka sameeyay hal kulan oo Premier League ah waa markii ugu horeysay tan iyo bishii May 2015.

8- Kenedy waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Newcastle laba gool ku dhaliya St James Park kulan Premier League ah tan iyo Georginio Wijnaldum oo sidaas sameeyay bishii May sannadkii 2016.

9- Casaankii Jordan Ayew oo yimid kaliya 11 daqiiqo ayaa ah kii ugu horreeyey ee ugu dhaqiyaha badnaa ciyaaryahan ka qaato Premier League xilli ciyaareedkan.

10- Glenn Murray ayaa dhaliyay shan gool shantii kulan ee ugu dambeysay Premier league uu u saftay kooxda Brighton.

11- Xaqiiqdii, kaliya Sergio Aguero oo dhaliyay 9 iyo Mo Salah oo dhaliyay 7 gool ayaa ka badan Premier League tan iyo bilowga 2018 .

12- Manchester United ayaa badisay afar ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay wajahday lixda kooxood ee ugu waa weyn Premier League xilli ciyaareedkan.

13- Manchester United ayaan wax guul darro ah kula kulmin Old Trafford marka ay hogaanka qabto qeybta hore tan iyo May 7th 1984 .

14- Marcus Rashford ayaa 29% goolashiisa Premier League dhaliyay isagoo wajahaya lix kooxood ee ugu waa weyn horyaalka.

15- Manchester United ayaa dhalisay 352 gool kulamada Premier League ay ku ciyaarto Old Trafford.

16- Lixda kamid ah 15 gool oo uuu Marcus Rashford ka dhaliyay Premier League ayaa yimid isagoo wajahaya kooxaha lixda ugu waa weyn horyaalka.

17- Willian ayaa 13 gool u dhaliyey Chelsea tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan – waa xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa uu ee la qaadanayo kooxdiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here