Neymar Oo Go’aansaday Ka Tagista PSG Iyo Real Madrid Oo Durba Hogaamineysa Xiisihiisa

0
33

Neymar ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda Real Madrid isagoo isaga tagaya Paris Saint-Germain.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa lala xiriirinayaa Real Madrid tan iyo markii uu ku sugnaa kooxda ka dhisan dalkiisa hooyo ee Santos.

Florentino Perez ayaa rajo ka qaba inuu maalin uun lasoo wareego xiddigii hore ee kooxda Barcelona oo haatan kusugan PSG.

Neymar ayaan kusoo laaban doonin Parc des Princes oo uu haatan dhaawac kaga maqan yahay, waxaana lagu soo waramayay inuu ku laaban doono horyaalka La Liga.

Florentino Perez Real Madrid

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya Spain ayaa sheegaya in 25 jirkaan uu ku biiri doono kooxda ka dhisan caasimada ee Real Madrid.

Sida laga soo xigtay Mi Otra Liga, Neymar wali kuma faraxsaneyn kooxda ka dhisan Paris.

Waxaa la sheegayaa inuu ku dhibtoonayo la qabsiga nolosha caasimadda Faransiiska Iyo masaafada u dhexeysa gurigiisa iyo garoonka naadiga.

Neymar ayaa sidookale la sheegay inuu ka niyad jabsan yahay xaamaasada tartanka horyaalka Ligue 1.

Neymar Paris Saint-Germain Ligue 1

Weeraryahankan ayaa sheegay inuusan dooneynin inuu mar kale ka ciyaaro tartankaas.

Real Madrid ayaa la filayaa inay mar kale la xiriiraan Neymar oo aan ku faraxsan nolosha PSG.

Mi Otra Liga ayaa ku xisaabtamaya inuu u dhaqaaqayo Bernabeu oo si weyn xiiso looga qabo.

Real Madrid ayaa sidoo kale dooneysa inay heshiis la gaarto Harry Kane, iyagoo doonaya in ay dib u dhisaan kooxo Galactico ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here