RASMI: Jamie Carragher oo shaqada laga raacdeeyey balse ma ahan shaqadii Sky Sports

0
35

Jamie Carragher ayaa laga raacdeeyey doorkiisii fallanqeeye ee ciyaarta tartanka UEFA Champions League lugta labaad ee wareegga 16ka ku dhexmareysa kooxaha Manchester United iyo Sevilla.

Jamie Carragher wuxuu ku qornaa inuu taleefashinka reer Denmark ee TV3 Sport u fallanqeeyo ciyaartaan, balse halyeeyga Liverpool ayaa shaqadaan laga raacdeeyey.

Tani waxay ka dambeysay markii uu 40 sanno jirkaani si kas ah ugu candhuufay gabar 14 sanno jir ah oo taageere u ah Manchester United ka dib markii 2-1 looga adkaaday kooxdiisii hore ee Reds Sabtidii.

Peter Norrelund oo ah agaasimaha TV3 Sport ayaana haatan xaqiijiyey in shaqada ay ka raacdeeyeen Jamie Carragher, sidaas darteed uusan ka mid noqon doonin shaqaalahooda tegi doona Old Trafford si ay u fallanqeeyaan ciyaarta dhexmareysa Man United iyo Sevilla.

Sidoo kale Jamie oo usoo ciyaaray xulka England ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga raacdeeyo taleefashinka Sky Sports oo uu sannadkii mushaar ahaan uga qaadan jiray qiimo lacageed ka badan 1 milyan oo ginni.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here