Shacabka Ku Dhaqan Xerada Qaxootiga Ifo Laba oo Walaac Ka Muujiyay Go,aanka Lagu Xirayo Xeradaasi.

0
4

Shacabka Ku Dhaqan Xerada Qaxootiga ifo Laba ee Degamada Dadab ee Dowlad Goboleedka Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa Walac Ka Muujiyay Go,aanka Lagu Xirayo Xeradaasi.

Nimca Xasan Samatar oo ka mid ah gudoomiye yaasha Xeradaasi ayaa Waxaa ay sheegtay in arintaasi ay Dhibaato ku tahay shacabka ku Dhaqan Xeradaasi oo Markii Hore La Daala Dhacayay Dhibaatooyin Kala Duwan oo Dhanka Nolosha.

Mas,uuliyiinta Hey,ada Jimciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ku sugan Degmada Dadab ayaa Waxaa ay Sheegeen in Xeradaasi Dadka Ku Dhaqan Loo wareejinayo Xeryaha Kale si Albaabada La isugu Dhufto Ifo Laba.

Sababaha Keenay Arintaan ayaa Waxaa ay ku Macneeyeen in Tan iyo sanadii La soo Dhaafay ay Qaxooti Badan oo ku sugnaa xeradaasi ay ku Laanteen Gudaha somalia Gaar ahaan Dowlad Goboleedka Jubbalnd.

Balse Shacabka Ku Dhaqan Xeradaas ayaa Qaba in Hadii Loo Wareejiyo Xeryaha Kale ay Dulsaar Ku Noqon Karaan Qaxootiga Kale ee awalba Daruufo Dhanka Nolosha ah ay ku Heysatay Xeryaha Dadab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here