Tababare Hore Usoo Maray Chelsea Oo Sheegay Inuu Ka Warqabo Xiliga La Ceyrinayo Conte!

0
7

Halyeyga Chelsea Ruud Gullit ayaa aaminsan in Antonio Conte uu wajahayo ceyrin deg deg ah haddii uu guul darro kala kulmo kooxda Barcelona tartanka Champions League Isbuucaan.

Gullit oo ah ciyaaryahan iyo macalin hore usoo maray Chelsea waxa uu kula guuleystay koobab ​​26 sanadood oo uu xirfadiisa ciyaareed kujiray.

Ninka reer Holland ayaa qiray “Hadii uusan Conte qaab ciyaareed wanaagsan ka sameyn kulanka Barcelona in la ceyrin doono.

Gullit ayaa sheegay in macalinka Talyaanigu uu u baahan yahay inuu gaaro marxalada sideed dhamaadka Champions League Arbacada si uu ugu qanciyo awoodiisa milkiilaha kooxda Roman Abramovich.

“Tababarayaasha, sida iska cad, waxay ku tiirsan yihiin tayada kooxda, markasta oo ay kooxdu wanaagsan tahay waxaa amaan leh macalinka” ayuu yiri Gullit.

Chelsea ayaa gurigeeda barbaro 1-1 ah kula gashay Barcelona kulnkii lugta hore ee wareega 16ka tartanka Champions League, waxaana ay u baahan yihiin ugu yaraan barbaro kabadan 1-1 si ay u xaqiijistaan booskooda sideed dhamaadka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here