Waa kuma garsooraha qaban doona kulanka Barcelona vs Chelsea, dalkee ayuuse u dhashay?

0
56

Xiriirka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa xaqiijiyey inuu garsoore Damir Skomina dhexdhexaadi doono ciyaarta lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UEFA Champions League ee u dhaxaysa kooxaha Barcelona iyo Chelsea.

Ciyaartaan ayaa ka dhici doonta garoonka Camp Nou Stadium fiidnimada Arbacada ah, garsoorahaan oo u dhashay dalka Slovenia ayaana seeriga u heyn doona lugta labaad.

Garsoorahaan ayaa dhexdhexaadinayey kulankii La Blaugrana ay guusha 3-0 ah ka gaartay kooxda Juventus ee heerka guruubyada tartanka UCL xilli ciyaareedkaan.

Dhanka ciyaaraha Chelsea, Damir Skomina ayaa dhexdhexaadiyey ciyaartii ay Chelsea barbardhaca 3-3 ah la gashay kooxda AS Roma tartanka UCL xilli ciyaareedkaan.

Damir Skomina wuxuu ku jiray shaqada garsoore illaa sannadkii 2003dii, waana 41 sanno jir khibrad leh, kaasoo durba garsooray in ka badan 50 ciyaarood oo tartanka UEFA Champions League ah.

Xaqiiqaduna waxay tahay Skomina ayaa ka mid ah garsooreyaasha ugu wanaagsan Yurub waxaana la filayaa inuu ka mid noqdo garsooreyaasha ka shaqeyn doona Koobka Adduunka xagaagaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here