Waa kuma xiddiga ka tirsan Man United ee ka dambeeyey in Paul Pogba uu seego kulankii dhawaa ee Liverpool?

0
29

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Paul Pogba ayaa seegay kulankii dhawaa oo ay kooxdiisu guusha ka gaartay Liverpool ee horyaalka Premier League, iyadoo sidoo kale Pogba shaki laga muujinayo inuu todobaadkan ciyaari karo kulanka Champions League.

Waxaa haddaba daaha laga qaaday in Scott McTominay uu ahaa xiddigii ka dambeeyey in Pogba uu seego kulankii Liverpool, kaddib markii uu tababarka ku dhaawacay, xilli labada xiddig ay hal boos ka wada ciyaaraan.

Jariiradda The Times ayaa daaha ka qaaday inaysay jirin warar soo jeedinaya in Scott McTominay uu si ku talo gal ah u dhaawacay laacibka reer France ka hor kulankii Liverpool si uu booska uga dhaxlo

Paul Pogba ayaa haatan waqtiga la diriraya si uu taam buuxa ugu noqdo kulanka habeen dambe ay garoonka Old Traffrod ku soo dhaweyn doonaan kooxda Sevilla lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League, iyadoo kulankan uu muhiim u yahay Man Utd oo doonaysa inay u gudubto wareegga siddeeda, inkastoo lugtii hore lagu kala baxay 0-0.

Macallinka kooxda Manchester United oo ka hadlayey dhaawaca xiddigii hore ee Juventus Pogba ayaa shaaca ka qaaday inuusan garanayn haddii uu taam u noqon doono kulanka Champions League.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here