War Deg Deg Ah Golaha wakiilada Somaliland Oo Taageeray heshiiska DP world Somaliland Iyo itoobiya ,

0
22

Golaha wakiilada Somaliland ayaa markale maanta taageeray heshiiska maalgashi ee Dekedda magaalada Berbera .

 

Wakiiladu waxa ay canbaareeyeen go’aankii maalintii shalay ee Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Goluhu sidoo kale waxa uu ugu baaqay Qaramada midoobay, Jaamacadda Carabta, midowga Afrika iyo ururo kale in ay ka warhayaan xasillooni darro ay sheegeen in Soomaaliya ka waddo Mandaqadda.

 

 

Go’aanka golaha wakiilada Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli maalintii shalay Baarlamaanka Soomaaliya go’aamiyay in heshiisyada shirkadda DP world ay sharci-darro tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here