Willian Oo Khiyaanada Lionel Messi Kaga Digay Ciyaartooyda Chelsea- WARBIXIN

0
7

WILLIAN ayaa qiray in Chelsea aysan awood u laheyn inay joojiso Lionel Messi “wax walba oo uu doonayana uu ka sameyn karo garoonka dhaxdiisa.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa Chelsea hogaanka u dhiibay lugtii koowaad ka hor inta Messi goolka barbaraha u dhalin kooxda Barcelona oo marti ku aheyd London.

Blues ayaan waligeed Barcelona ku garaacin Nou Camp siddeed jeer oo ay booqdeen, sidoo kale loogama badin afartii kulan ee ugu dambeysay oo ay kula ciyaareen marxaladaan oo kale.

Natiijadii ugu dambeysay garoonka Barcelona kasoo helaan ayaa aheyd barbaro 2-2 ah ciyaar dhacday sannadkii 2012-kii, markaasoo Blues ay ugu dambeyn ku guuleystay tartanka Champions League.

Kaliya Gary Cahill ayaa ka jooga Chelsea ciyaartooydii waqtigaas reebtay Barcelona, laakiin Antonio Conte ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ka sameyay Stamford Bridge kulankii uu ku wajahay Barcelona seddex isbuuc ka hor.

Guusha Chelsea waxay inta badan ku xiran tahay sida uu usoo muuqdo Messi oo kujira xilli ciyaareed kale oo cajiib ah.

Willian admits Chelsea will be powerless to stopping Lionel Messi

Xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina ayaa dhaliyay 32 gool 41 kulan oo uu saftay, isagoo 16 kale caawiyey.

Willian ayaa qiray in Chelsea ay u baahan tahay inay mar walba si taxadar leh isha ugu heyso dhaqdhaqaaqa Lional Messi.

“Waan ognahay tayada Messi, waan ognahay tayada Barcelona,” ayuu yiri Willian.

“Waxay heystaan ciyaartoy badan oo tayo fiican leh “Dabcan, waa inaan isha ku heynaa Messi maxaa yeelay waa ciyaaryahan weyn.

“Waxa uu sameyn karaa wax walba oo uu doonayo inta uu garoonka ku dhex jiro” ayuu hadalkiisa raaciyay Willian.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here