Xamaas oo Ka Hadlay Weerarka Lagu Qaaday Kolonyo uu La socday Raisul Wasaaraha Falastiin.

0
12

Ururka Xamaas ee Wadanka Falastiin ayaa beeniyay in ay iyagu ku Lug Lahaayeen Weerarkii Maalintii Shalay Lagu Qaaday Kolonyo uu La socday Raisul Wasaaraha Wadanka Falastiin Mr Rami Hamdallah.

Kolonyada uu La socday Hogaamiyaha Reer Falastiin ayaa Waxaa Lagu Weeraray Marinka Gaza oo Gacanta ay ku Hayaan Ururka Xamaas.

Mr Rami ayaa ka badbaaday Qaraxaas balse waxaa ku dhaawacmay laba ka mid ah ilaaladiisa.

Xukuumada israel oo Dhacdadan ka Hadashay ayaa Meesha ka saarin in ay Ku kug Leeyihiin Ururka xamaas.

Sargaal Dhanka Amniga ah oo u Hadlay Ururka Xamaas oo Lagu Magacaabo Tawfiq Abu Naim, ayaa Waxaa uu Sheegay in ay Wadaan Baaritaankaas isaga loo Xilsaaray ayna Cadaalada Hor Keeni Doonan Shaqsiyaadkii Ku Lug Lahaa isku dayga Lagu Qaarijin Rabay Ra,isul Wasaaraha Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here