Xiddiga Man United ee Scott McTominay oo doortay xulkii uu u ciyaari lahaa England iyo Scotland – Waana loo yeeray haatan

0
6

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Scott McTominay ayaa lagu daray shaxda xulka qaranka Scotland ee kulamada saaxiibtinnimo la kala ciyaari doona Costa Rica iyo Hungary.

McTominay ayaa mustaqabalka xulkiisa qaranka shaki la gelinayey iyadoo warar soo baxayey ay sheegayeen inuu kala dooran doono kii uu u ciyaari lahaa Scotland iyo England, laakiin 21-sano jirkaan ayaa iska diiday xiisaha uga imaanayey Ingiriiska, waxaana uu doortay Scotland.

SHAXDA XULKA QARANKA SCOTLAND:-

Goolhayeyaasha: Jordan Archer (Millwall), Alan McGregor (Hull City), Jon McLaughlin (Heart of Midlothian).

Difaacyada: Barry Douglas (Wolverhampton Wanderers), Grant Hanley (Norwich City), Russell Martin (Rangers), Scott McKenna (Aberdeen), Charlie Mulgrew (Blackburn Rovers), Callum Paterson (Cardiff City), Andy Robertson (Liverpool), Kieran Tierney (Celtic).

Khadka Dhexe: Stuart Armstrong (Celtic), Tom Cairney (Fulham), James Forrest (Celtic), Ryan Fraser (Aberdeen), Kevin McDonald (Fulham), Dylan McGeouch (Hibernian), John McGinn (Hibernian). Calum McGregor (Celtic), Kenny McLean (Aberdeen), Scott McTominay (Manchester United), Jamie Murphy (Rangers), Matt Ritchie (Newcastle United).

Weeraryahannada: Ryan Christie (Aberdeen), Jason Cummings (Rangers), Oliver McBurnie (Barnsley), Matt Phillips (West Bromwich Albion).

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here