Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Anthony Martial Oo Ku Faraxsan Ka Tagista Man Utd & Labo Koox Oo Isku Heysta Saxiixiisa

Published on April 18, 2018 by   ·   No Comments

ANTHONY MARTIAL ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee Manchester United ah ee dalbada in laga fasaxo kooxdiisa.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa door muhiim ah ku laheyn shaxda Jose Mourinho tan iyo markii United Alexis Sanchez kaga soo biiray Arsenal bishii Janaayo.

Martial ayaa lagu soo waramayaa inuu xiiso weyn ka helayo kooxda ka dhisan Serie A ee Juventus.

Kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Bayern Munich ayaa sidoo kale dooneysa 22 jirkaan heerka caalami ee dalka France.

Sida laga soo xigtay The Times, xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa doonaya inuu u dhaqaaqo Juventus oo halkii uu ku biiri lahaa kooxda ka dhisan Bundesliga.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegeysa in Martial uu ka niyad jabay Manchester United tan iyo markii ay Arsenal kala soo waregeeen Sanchez bishii Janaayo.

Martial oo hadda ka dambeeya Sanchez iyo Marcus Rashford, wuxuu doonayaa inuu u dhaqaaqo koox uu ka heli karo boos joogta ah.

Juventus ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay lasoo saxiixato Matteo Darmian, oo ah daafaca katirsan United sida ay ku warameyso The Times.

“Juventus waa koox weyn oo idooneysa yuu yiri daafaca Italy Matteo Darmian oo la hadlayay saxaafada.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...