Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Barcelona, Juventus Iyo Bayern Munich Oo Isku Heysta Xiddig Katirsan Man Utd

Published on April 25, 2018 by   ·   No Comments

Weeraryahanka Man United Anthony Martial ayaa bartilmaameed u noqday saddex koox oo ugu waa weyn Yurub marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay iska iibineyso ciyaaryahanka dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa ku dhibtoonayay inuu u ciyaaro kooxdiisa tan iyo bishii Janaayo markaasoo Alexis Sanchez kusoo biiray United.

Iyadoo tababare Jose Mourinho uu rajeynayo inuu mar kale suuqa lacag galiyo xagaagan, Martial ayaa u muuqda mid ka tagaya Manchester United.

Sida laga soo xigtay wargeyska Tuttotsport, Juventus ayaa ka warqabta in labada koox ee Bayern Munich iyo Barcelona ay xiiseynayaan ciyaaryahanka.

Juventus waxay ka shaqeyneysaa sidii ay heshiis ula gaari laheyd ciyaaryahanka garabka ka ciyaara, sida laga soo xigtay agaasimaha kooxda Beppe Marotta.

Laakiin labada kooxood ee Bayern Munich iyo Barcelona ayaa iyagana dhaqaale badan ku doonaya xiddiga France.

Juventus ayaa u aragta 22 jirkaan bedelka Paulo Dybala oo lala xiriirinayo inuu isaga tagayo Turin dhamaadka xagaagan.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...