Wednesday, May 23rd, 2018
Advertisements
Advertisements

Barcelona Oo Bedelka Gerard Pique Ka Heshay Safka Koowaad Ee Chelsea

Published on April 25, 2018 by   ·   No Comments

Barcelona ayaa u aqoonsatay xiddiga Chelsea Marcos Alonso inuu yahay bartilmaameedkeeda suuqa kala iibsiga xagaaga.

Daafaca reer Spain Alonso ayaa noqday ciyaaryahanka ugu muhimsanaa Blues tan iyo markii uu kaga soo wareegay Fiorentina sannadkii 2016kii.

Waxa uu ka cawiyay kooxda Chelsea inay ku guuleysto Premier League xilli ciyaareedkii hore, Inkastoo ay ku guul darreysateen inay difaacdaan.

Alonso ayaa sii watay qaab ciyaareedkiisa wanaagsan, isagoo boos ka helay kooxda PFA ee lagu dhawaaqay Sanadkaan.

Sida laga soo xigtay Goal, horumarka uu ka sameeyay Stamford Bridge daafacaan waxay soo jiidatay kooxda Barcelona, oo doonaya inay ku xoojiyaan daafacooda xili ciyaareedka dambe.

Gerard Pique oo 32 jirsan doona sanadka soo socda, ayaa loo arkaa bedelkiisa Alonso, inkastoo uu ka ciyaaro garabka daafaca bidix.

27-jirkaan ayaa u saftay xulkiisa Spain horaantii sanadkaan, waxaana uu ku jiraa xiddigaha isku diyaarinaya Koobka Aduunka ee ka dhici oona Russia.

Chelsea, oo gaartay final-ka FA Cup-ka markii ay garaacday Southampton Axadii, ayaa iska diiday dalabka Barcelona ku dooneyso Alonso.

Alonso ayaa ku soo bilaabay xirfadiisa ciyaareed kooxda Real Madrid, isagoo ku dhawaad 10 sano ku qaatay akadeemigooda ka hor inta uusan u dhaqaaqin Bolton Wanderers 2010kii.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DHAGEYSO} Warka duhurnimo Ee Idaacada Hiiraanweyn Xarunteda Magaalada B/weyne

May, 23, 2018
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baladweyne ee ku xiran Webkeena Www.Hiiraanweyn.net ama Hiranweyn.com Waxaan idin soo gudbineyna Warka ...

{DAAWO MUQAALKA} Maamulka Gobolka Iyo Shacabka oo Bilaaway Dhismaha Wadada Isku xirto Baladweyne Iyo Jeento Kundisho

May, 23, 2018
Waxaa dib loo bilaaway dayactirka wadada laami ah oo uu daadka bur buriyay wadadaas oo  isku xirto Bartamaha ...